Xarunta dhaqanka Hargeysa oo horseeday in Soomaalidu wax qorto


XaruntaXarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa ayaa horseeday in dadka Soomaalida ah oo berigii hore lagu yiqiinay hadalka amaba la odhan jirey (oral society) ka dib markii ay sannad walba qabatay bandhig lagu soo bandhigo halabuurka iyo qoraalka ay sameeyaan dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee Afrikaanka ah.

bandhiga buugaagta oo galay sannadkiisii 12-aad ayaa keentay in sannad walba ay kor u kacdo tiradda dadka ka soo qayb gala iyo wadamada ay ka kala yimaadaan.

 

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa u mahad-celiyey cid kasta oo dalka iyo waddamada kale ee dunida ka socotay oo ka soo qaybgashahay Bandhigga Caalamiga ah ee 12-aad ee Buugaagta Hargeysa oo caawa si rasmi ah loogu soo gebo-gabeeyey Xarunta Dhaqanka oo uu sabtidii ka bilaabmay, ciddii hawsha wadday, diyaarisay iyo qof kasta oo hibadiisa ku soo bandhigay intii bandhiggu socday. Wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyey ciidammada ammaanka iyo dhalinyarada Barnaamijka Shaqo-qaran oo si heer-sare ah uga qayb-qaatay amniga iyo hawlaha Xarunta intii Bandhigga.

Bandhigga 12-aad ee Buugaagta Hargeysa, waxaa sannadkan Martida koowaad ku ahaa dalka Masar oo ah dal taariikh facweyn leh, aqoontana heer fiican ka gaadhay, waxaa ka soo qaybgalay 92 qof oo Wakiillo, Qorayaal, Suxufiyiin, Hal-abuurro iyo Jilayaal isugu jira oo ka kala socday 23 dal iyo weliba Qorayaal, Farshaxanaystayaal, Abwaaniin, Hal-abuurro iyo dad hibooyin gaar ah Illaahay siiyey oo iyaguna gobollada dalka Somaliland ka kala socday.
Jaamac Muuse Jaamac, waxa uu sheegay in Dadka hibooyinkooda Hal-abuur, Farshaxan iyo Qoraal ku soo bandhigay lixda cisho ee Bandhiggu socday, inay yihiin 160 qof oo ay 45 ka tirsani Haween ahaayeen.

“160 Qof oo qorayaal, hal-abuurro, farshaxanno iyo arts suxufiyiin ah, ayaa innagala qaybgalay oo hibadooda innala wadaagay intii uu Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa. 91 qof ayaa halkan soo istaagay isteyjka, 45 ka tirsani waxay ahaayeen Hablo, waa guul inay dhalinyarteenna iyo da’ kastaba ay maanta u sinnaadaan bandhiggan hibooyinka.”

Waxa kale oo uu Jaamac sheegay in qaybta baahinta hawl-qabadka iyo bandhigyada joogtada ahaa maalmaha iyo habeennada uu socday Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa sannadkan 2019-ka uu halkii ugu sarraysay gaadhay, marka laga eego dhinaca Warbaahinta tooska ah iyo midda Bulshada ee Twitter-ka iyo Facebook-gaba, waxaanu si gaar ah ugu mahad-celiyey hawl-wadeennada xarunta iyo guud ahaan Warbaahinta kala qayb-qaadatay baahinta wararka warbixinnada u gaarka ahaa Bandhiggan.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diirye, ayaa hadal uu ka jeediyey xidhitaanka Bandhiggan, waxa uu ku sheegay inuu maanta ogaaday in dhalinyarada reer Somaliland gaadheen amma marayaan meel aanu ka filayn.
“Buugaagta halkan aan maanta ku arkay ee la soo bandhigay Dadka qoray badidoodu waxay u badnaayeen soddon jir iyo wax ka yar. Waxaan arkay dhalinyaro aanan islahayn wax badan bay ka garanayaan dhaqankeennii miiga.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiir Maxamed Muuse, waxa uu u mahad-naqay Guddoomiye Jaamac Muuse iyo Safiir Ayaan Cashuur, waxaanu yidhi; “Waxaan u mahad-naqayaa oo hambalyeynayaa Dr. Jaamac iyo Safiir Ayaan, hambalyo, wax waynn baad Somaliland u qabatay, waxaad qabateen waa farriin Qaranka u baxaysa oo faraysa adduun weynaha oo u sheegaysa, waxay Somaliland tahay iyo halkay marayso.”

 

 

Mar uu Wasiirka Warfaafintu ka hadlayey muhiimadda ay Qaranka u leeyihiin dadka ka soo qaybgalay Bandhigga ee caalamka ka yimi, waxa uu yidhi; “Waxaa ka soo qaybgalay 23 dal, oo ka wakiil ah bulshada iyo dalalka ay ka yimaaddeen. Aqoonyahanka reer Somaliland meelkasta oo ay ka kala yimaaddeen gobollada iyo dibedda, iyo 92 wakiil oo 23 dal ka kala yimi inay halkan isugu yimaaddeen, waxay muujinaysaa nabadgelyada, xasilloonida, degganaanshaha iyo dowladnimada Somaliland.”

 

Waxa uu sheegay Wasiirku in sannadaha soo socda loo baahan yahay inay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa inta ay hadda le’egtay ka sii weynaato. “Waxaynu u baahannahay inaynu helno meel halkan ka wayn oo aqoonta, afka, dhaqanka iyo horumarka bulshadu ka muuqdo oo intan ka weyn inaynu helno, ayaan idiin ballan-qaadayaa haddii Illaahay idmo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse Diirye.

Gelinkii dambe ee Khamiista maanta, ayaa Xarunta Dhaqanka lagu maaweeliyey Carruurta ku dhaqan magaalada Hargeysa intoodii nasiibka u heshay inay ka soo qaybgalaan Bandhigga Qalaama-rogodka iyo ciyaaraha dhaqanka ee Kooxda HAVOYOCO caanka ku yihiin. Carruur badan ayey waalidkood la faraxsani keeneen Xarunta si ay u daawadaan ciyaarahaas.

Xidhitaanka Bandhigga ka hor, ayey Fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska iyo Maxamed-BK, maaweeliyeen boqollaal iyo boqollaal Dad weyne ah iyo Martida Madasha toddobaadka ku sugnayd ee sida joogta ah uga qaybta ahaa Bandhiggan 12-aad ee Buugaagta Hargeysa, iyaga oo Heeso waddani ah iyo kuwo jacayl ahba ku raalligeliyey ka qaybgalayaasha.

 

Post Comment