Wasiir ku xigeen kasbaday Kalsoonidda Golaha Wakiiladda Somaliland


wasiir-naasir-Caydiid

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed Faarax ayaa kasbaday kalsoonida tiradda ugu badan ee mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland ka dib markii ay codka kalsoonida ah u taageen in ka badan 48 MUdane, taasi oo ah in guud ahaanba mudanayaashii ka soo xaadiray golahaasi ay gacanta u taageen, iyada oo aanu gudoomiyuhuna codaynin.

Wasiir Naasir Caydiid oo ka mid ah halgamayaashii SNM, gaar ahaana kuwii la odhan jirey dab xigeenadda waxa uu ka cod batay dhammaan xubnihii kale ee golaha wasiiradda ee ay maanta ansixiyeen golaha wakiiladda Somaliland.

Sida ay ku warantay shabakadda Wararka ee Herermedia.com Xubnaha Wasiirada ee Maanta la Ansixiyay waxa ka mid ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Somaliland Mudane Naasir Caydiid Maxamed Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa Hortooda laga Akhriyay Taariikh Nololeedka Shaqo iyo Aqooneed ee Wasiir Naasir Caydiid Maxamed faarax .
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa markii ay Dhagaysteen Taariikh Nololeedka Aqooneed iyo kiisa Shaqo ee Wasiir Naasir Caydiid Maxamed oo ay Dhamaantoodba la Dhaceen ayaa waxay Si Buuxda ugu Qanceen Taariikhda iyo Khibrada Shaqo ee wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Naasir Caydiid Maxamed Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Waxa uu Mudanayaasha u soo jeediyay Inay u Codeeyaan Wasiirka iyadoo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu Cod Gacan Taaga Galiyay Ansixinta wasiirnimo ee Wasiir Naasir Caydiid Maxamed.
Mudanayaashii Fadhiyay Fadhiga Maanta Ayaa Cod Isku Raacay Ansaixinta Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland .
Codka Wasiirku Helay:
Wasiirka Ayaa Helay Codka Kalsoonida Aqalka Wakiilada Somaliland Wasiir Naasir Caydiid Maxamed ayaa helay Kalsoonid Xidhibaanada Golaha Wakiilada iyadoo ay codka Kalsoonida Siiyeen Xildhibaanadii Fadhiyay Kalfadhiga oo Dhamaantood Isku Raacay inay wasiir Naasir Caydiid Maxamed u Ansixiyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland,oo ay u Helay 48 Cod iyadoo uu sidaana ku Ansaxay Xilka wasiirnimo ku Xigeen ee wasiir Naasir caydiid maxamed.
Wasiir ku Xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Naasir Caydiid Maxamed ayaa ah Masuul Khibrad iyo waayo Aragnimo u leh Shaqada Wasiirnimo ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland isagoo mudo 28 Sanno ah ka shaqaynaayay Haayadaha wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland.
Naasir Caydiid Maxamed Ayaa mudo dheer ku soo jiray Shaqada Wasaarada Arimaha Gudaha isagoo Xilal kala Duwan ka soo Qabtay Degmooyinka Magaalada Hargaysa ee Dawlada Hoose Hargaysa.
Naasir Caydiid Maxamed ayaa mudadii uu ka soo shaqaynaayay Dawlada Hoose Magaalada Hargaysa waxa uu Xilalkii uu soo Hayay ku mutaystay Magac iyo Sumcad Badan iyadoo Shacabka Reer Somaliland,Gaar ahaan Bulshoweynta Caasimadu ay u Bogeen Maamulka wasiir Naasir Caydiid Maxamed.
wasiir Naasir caydiid Maxamed ayaa mudadii uu Xilalka Dawlada Hoose Hargaysa ka hayay waxa bulshada Caasimada Somaliland ay Gudoonsiiyeen Shahaadooyin Sharaf oo lagu maamusayay Shaqo Wanaag uu muujiyay iyo Daacadnimo ay ku Dheehan tahay Xil kasnimo .
Shaqo wanaaga wasiir Naasir ayaa noqonaysa Sababta madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ugu soo Xushay inuu Xilka wasiir ku Xigeen ka qabto wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo ah wasaarada Qaranka Halbawle u ah shacabka Somaliland ayaa markii Madaxweyne Muuse Biixi uu Xilka wasaarada Arimaha Gudaha u magacabay Wasiir Naasir Caydiid maxamed waxa ay ku Riyaaqeen Magacaabista wasiir Naasir caydiid iyagoo madaxweynaha ku Hambalyeeyay Booska uu u magacaabay oo ay ku tilmaameen in Madaxweynahu Booskaasi la Abaaray Masuul buuxin kara Shaqada wasaarada Arimaha Iyo Muhiimada Shaqo ee ay Dalka u hayso.

Source herermedia.com

Post Comment