Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo Bilawday sidii meesha looga saari lahaa Biyo Yaraanta hortaagan horumarka Somailand


Agaasime Agaasime

Hargeysa, July 22, 2019 (Hargeysatoday.com) Wasaaradda Horumarinta Somaliland ayaa wada qorshe biyo loogu samaynayo dhulka Oomanaha ah ee ku Hawdka ku teedsan xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa dhagax dhigay ugu yaraan afar Mashruuc oo kala duwan oo deegaankaasi laga hirgelinayo gaar ahaana gobolada Togdheer iyo Maroodi Jeex. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilligii ololaha lagu jiray waxa uu balan qaaday in deegaanadda Oomanaha ee dalkeena loo sameeyo ilo biyood, haddii ay tahay Dhaamam lagu kaydiyo biyaha roobka iyo haddii ay tahay ceelal riigag ah oo la qodayo, sidaasi daraadeedna Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa siyaasaddaasi oo ku jirtay Barnaamijka xisbiga KULMIYE ku galay ololaha doorashada waxa aanu bilawnay in aanu ilo biyood ka samayno meelaha Oomanaha ah, tusaale ahaan todobaadkani oo keli ah waxa aanu dhagax dhignay afar mashruuc oo iskugu jira kuwo ay hay’adaha caalamiga ahi naga taageereen iyo kuwo aanu ka bixinay Miisaaniyadda xukuumadda ee laga ururiyay cashuur bixiyayaasha” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Yuusuf oo ka warbixinayay safar uu todobaadkani mashaariicdaasi ku soo dhagax dhigayay oo uu ka soo laabtay maalintii shalay.

“Afarta Mashruuc waxa ay kala yihiin laba Dhaam Biyood oo laga kala qodayo Nasiye iyo Haradda iyo laba Ceel oo l dhaadheer oo riig ah oo qiyaastii 400mitir ah , waxaana ka faa’iidaysan doona dadka reer Somaliland ee ku nool deegaanadaasi oo sannadka intiisa badan aan heli jirin biyo ku filan amaba meelo fogfog u doonan jiray biyaha” ayuu hadalkiisa raaciyay Agaasimuhu.

Afarta Mashruuc  waxa kale oo barbar socday todobaadkani safar uu Wasiirka HOrumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali KOore ku tegay magaalada Tog-Wajaale ee xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, halkaasi oo uu maamulka iyo bulshada halkaasi ay kaga wada hadlayeen sidii biyo gelinta magaaladaasi loo dardargelin lahaa, isla markaana ay bulshada iyo dawladdu iskaga kaashan lahaayeen arrintaasi.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu wadaa mashaariic kale oo ka socda inta badan gobolada dalka Somaliland oo dhan, gaar ahaana bishii Ina Dhaaftay waxa ay Wasaaradda Biyaha Somaliland bilawday qodista Dhaam biyood oo aad u weyn oo kaydin kara in ka badan 83000 oo Mitir Kuyuubik ah oo laga hirgelinayo degmada Salaxlay ee hawdka Hargeysa.

Waxa kale oo ay Wasaaraddu dayactir iyo qodista ilo biyood oo cusub ka wadaa gobolada Sool, Xaysimo, Awdal, Sanaag iyo Togdheer iyo deegaamo kaleba.

Waxa kale oo jirta in badhtamihii bishii Ina Dhaaftay la shaaciyay Mashruuc loogu talo galay adkaysiga dadka reer miyiga ah ee xilliyada abaaraha oo ku kacaya dhawr Milyan oo dollar oo ay hormood ka tahay Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, isla markaana ay maalgelintiisa bixinayaan Midawga Yurub.

Mashaariicdani ayaa la saadaalinayaa inay meesha ka saaraan mid ka mid ah caqabadaha ay Wasaaradda Qorshayntu hore u sheegtay inay haystaan horumarka Somaliland, kuwaasi oo kala ah biyo yaraan iyo tabar (electricity) yaraan, taasina waxay jidka u xaadhaysaa horumarka Somaliland.

 

Post Comment