Wasaaradda H. Khayraadka Biyaha oo soo saaray Aqoonyahano Cusub


Hargeysa, August 1, 2019 (Hargeysatoday.com) Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland ayaa soo saartay in ka badan 17 aqoonyahan oo bartay culuunta farsamadda biyaha, gaar ahaana daryeelka iyo dayactirka qalabka biyaha iyo sida qoraxda looga dhaliyo dabka.

Biyaha1 Biyaha

Munaasibad loo qabtay dufcaddii lixaad ee mac-hadkani ka qalin  jebisay tan iyo sannadkii 2013-kii markii la aasaasay waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Somaliland, oo ay ugu horeeyaan Wasiirka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, iyo Maamulaha Mac-hadkaasi Mustafe Xabo, shaqaalaha wasaarada iyo Wasiiradda Gaashaandhiga, C/Qani Maxamuud Caateeye, Wasiirka Dastuurka iyo xidhiidhka Golayaasha, Maxamed X, Aadan Cilmi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Aqoonyahanadani oo baranayay culuunta Biyaha muddo lix bilood, iyo taariikhda Mac-hadkani waxa ugu horeyn qalin jebintooda ka hadlay, maamulaha mac-hadka Mustafe Xabo, waxaanu yidhi “Mac-hadkani waxa la aasaasay bishii August ee sannadkii 2013-kii, ka dib markii ay Wasaaraddu go’aansantay in la tababaro dhammaan Operators-ka (hawlwadeenadda Biya soo saarayaasha (operators) gacanta ku haya ceelasha biyaha ee dalka. Ujeedada laga lahaana waxay ahayd in halkii ay wasaaraddu inta ay tagto soo ogaan lahayd ciladaha soo waajaha (ceelasha biyaha) ay hawlwadeenaddaasi u ogaadaan ciladaha soo food saara, isla markaana ay warbixin ugu soo diri karaan wasaaradda. Warbixintaasi oo ay ku sheegi doonaan in ciladu tahay mid ay iyagu wax ka qaban karaan iyo inay tahay mid ay wasaaraddu gacan ka geysato, isla markaana halkaasi laga dhaqaaqo wixii ka dambeeya”. Ayuu yidhi Maamuluhu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Yuusuf oo isaguna faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay aqoonta la baray aqoonyahanaddani iyo muhiimadda Mac-hadkani waxa uu yidhi. “ ardayda halkani fadhidaa waa 17 arday oo bartay culuun kala duwan oo kala ah Mechanicalka (farsamadda cilad saarka qalabka) electric-ga  (farsamadda ciladsaarka dhinac korontada) iyo qaybta biyo gelinta iyo dhigista qasabadaha” ayuu yidhi. Agaasimuhu.

Ugu dambayn Wasiirka H. Khayraadka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo madashaasi qalin jebinta soo gebagabeeyey, isla markaana ka waramay siyaasadda ay Wasaarad ahaan ka leeyihiin Mac-hadkani waxa uu yidhi. “Ujeedada iskuulku waa inuu buuxiyo dhammaan noocyada farsamada ee biyaha ee loo baahan yahay, oo ay ugu horeyso hanashada (daryeelka iyo dayactirka) mishiinadda biyaha {soo saara} iyo samaynta {hagaajinta iyo hirgelinta} solar system-ka {korontada qoraxda laga dhaliyo} plumbing (habka loo dhigo, loo dayactiro, loo daryeelo qasabadaha biyaha) oo ah sida biyaha loo cabo haddii ay miyi iyo magaaloba tahay (inay shaqaaluhu aqoon u yeeshaan hanaanka dadweynaha loo siiyo biyo nadiif ah oo qasabadaysan oo ay helaan dadweynuhu miyi iyo magaalaba). Sidaasi darteedna farxad ayay noo tahay in aanu maanta hayno dad farabadan oo aqoonyahano ah oo {leh farsamooyinkii loo baahnaa} oo looga  yeedhi karo meel kasta oo looga baahdo. {kuwaasi} oo cidii rabtaa {doontaa} telefoon u dirsan karto {cida u baahata in loo dayactiro haddii ay timaado cilado dhinaca farsamada biyaha iyo qalabkooda ah).

Ugu dambayn Wasiirku waxa uu iftiimiyey Muhiimadda ay leedahay in meelaha hal-bawlaha u ah qaranka loogu magac darro dadkii wadanka Somaliland hawlaha lama ilaawaanka u qabtay, sida Allaha u naxariistee X. C/Kariim Xuseen (C/Waraabe) oo ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay dalka Jamhuuriyadda Somaliland. “Waxaan jecelahay inaan maanta Mac-hadkani ugu magac darro Allaha u naxariistee  {X. C/Kariim Xuseen} Cabdi Waraabe, looguna yeedho maanta wixii ka dambeeya Xaaji Cabdi Waraabe Water Institute. Halkani oo keli ahna maahee, sida aad ogtihiin Garoonka Hargeysa waxa la yidhaahdaa Egaal International Airport dhawr iyo tobankii sannadood ee ina dhaafayba, magacaasi oo ah mid aan dhawr iyo toban sannadood ka hor soo jeedintiisa lahaa, taasi oo ah in lagu xasuusto dadkii dalkiina wax u soo qabtay.”.

Mac-hadkani Barashada Culuunta Biyaha ee ay maamusho Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland waxa la aasaasay sannadkii 2013-kii, Markii uu Wasaaraddaasi joogay, Wasiirkii hore ee Xuseen Cabdi Boos.

https://www.facebook.com/permalink.php?story_fbid=496179704061798&id=378582015821568&__xts__[0]=68.ARCGaiOlp6WKJTjZqRcIXMZVLfN89cMhfv_mRs5e_81WBlIqv6RJRrGvcPclyLg_cuee50QSDE6ybmWujng3MdGqK2WyB7yo66gveORFAf6xplk0ohlsYA6T9hthTnl4XjhrciwebpBiaq-gGuw6a-rjJyUyOoZcWJz428A2nSR1f0CyUVN5JBhGl3kjw0pIPBBmpBSztd4nmQ2XVUC5bB8yboTsO-hzPSTJZrJtfpi94xYJksA1n9JOc7HX08WD1TlcWCUY9sQUfkZrffIeSvkbskhtK3vC4PI_jundUZVwyY35CyLgbCbiMxubwxEw-vDITX5UIl5PwMZDsrMgMDg&__tn__=-R

 

Aasaaska Mac-hadkani waxa laga maalgeliyay sanduuqa Horumarinta Somaliland ee la yidhaahdo Somaliland Development, waxaana muddadii uu jirey ka soo baxay ugu yaraan lix dufcadood oo wax qabad muuqda iyo farsamooyin kala duwan oo wasaaradda iyo adeegga biyaha ee ay bixiso ka sokow wax badan ka tari doona baahiyaha dalka ee dhinacyada farsamada makaaniga, dab dhalinta qoraxda iyo in dadweynaha la siiyo adeeg biyood oo qasabadi keento.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha- Somaliland ayaa intii u dhaxaysa 18-21-kii bishii ina dhaaftay waxa uu soo dhagax dhigay dhawr mashruuc oo kala duwan, kuwaasi oo ay bilihii ina dhaafay ka bilawday deegaamo kala duwan oo dalka ah kuwaasi oo iskugu jira laba dhaam biyood oo laga qodayo  Nasiye iyo Haradda iyo laba Ceel oo l dhaadheer oo riig ah oo qiyaastii 400mitir ah  iyo waliba degmada Salaxlay oo iyadana laga wado Dhaam Biyoodkii ugu weynaa oo qaadi doona in ka badan 83,000 oo mitir Kuyuubik oo biyo ah.

Waxa kale oo ay wasaaraddu wadaa sidii biyo gelin loogu samayn lahaa Magaallo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, halkaasi oo uu  dabayaaqadii bishii hore booqday Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Post Comment