Wasaaradda Cadaaladda oo shaqaalaheeda U qabatay Kulan lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda siyaasadda Isgaadhsiinta


Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa u qabatay shaqaalaheeda Kulan lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda siyaasadda  Isgaadhsiinta .

Kulankani waxa uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, waxaana ka qayb geli doona shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta iyo Tiknolajiyadda (communication) Maxamed Kayse Aadan ayaa sheegay in kulankani  lagu diyaarin doono siyaasadda iyo istiraatiijiyadda Wasaaradda ee dhinaca  isgaadhsiinta. Kulankani waxa ka soo bixi doona habraaca xidhiidhka wada shaqayneed ee ay yeelan doonaan  wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee ay wada shaqeeaan.

Wasaaraddaha kale ee dawladda iyo hay’adaha  caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Tababarkani oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi C/Raxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo), waxa ay wasaaradda iska kaashadeen hirgelintiisa hay’adda PACT World oo ah hay’ad aan dawli ahayn oo ka diiwaan gashan dalka Maraykanka.

Halkan hoos ka daawo warkaasi oo dhamaystiran

https://www.youtube.com/watch?v=1UCHF-tFaZ0

Post Comment