Wasaaradda Biyaha Somaliland oo Shaqaalaheeda ku tababaraysa Hanaan u saamaxaya Jaangoynta Adeeg Bixinta Biyaha ee dalka “Waxa aanu bixinaa adeega CIVIL engineering-ka oo ah hab software ah” Shirkadda Wasaaradda Biyaha ka caawinaysa tababarkani


Wasaaradda Biyaha Somaliland oo Shaqaalaheeda ku tababaraysa Hanaan u saamaxaya Jaangoynta Adeeg Bixinta Biyaha ee dalka

wasaaraddawasaaradda1

“Waxa aanu bixinaa adeega CIVIL engineering-ka oo ah hab software ah” Shirkadda Wasaaradda Biyaha ka caawinaysa tababarkani

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa tababar u furey in ka badan 32 shaqaalaha Wasaaraddaasi ah oo la barayay adeegga Hanaan (software) u saamaxaya inay Jaangoyso Adeegga biyo bixinta ee Wasaaraddaasi bulshada u hayso.

Hannaankani waxa ka faa’iidaysan doona inta badan Injineeradda iyo hawlwadeenadda ka shaqeeya sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa biyo ku filan oo nadiif ah.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaraddaasi Maxamed Faarax oo ka hadlaya barnaamijkani ayaa sheegay in Barnaamijkani yahay mid ay Wasaaraddu doonayso inay ku kaydiso xogta iyo khariidada Ilaha Biyaha ee dalka ka jira guud ahaan, iyada oo lagu samayn karo (Maping-Khariidadayn) la gelinayo halka ay ku kala yaalaan Ilaha biyuhu iyo waliba fogaanta ay isku jiraan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Barnaamijkani wuxuu wax ka tarayaa in Wasaaraddu  uga faa’iidaysato qorshaynta mashaariicda horumarineed ee Biyaha, sababta oo ah marka la geliyo khariidada Ilaha Biyaha waxa la ogaanayaa sida ay deegaamadda dalka ugu kala badan yihiin ilaha biyuhu, isla markaana kuwo ay ka fog yihiin loogu qorshayn lahaa in la gaadhsiiyo Biyaha, isla markaana ay Wasaaraddu si siman dadka reer Somaliland ugu xaqsoorto oo meel ay biyuhu aad ugu dhaw yihiin aan la iska gelin mashruuc, balse meelaha ay biyuhu ka fog yihiin amaba ku yar yihiin loo qorsheeyo mashaariicda cusub ee biyaha ee ay wasaaraddu fulinayso” ayuu yidhi.

Barnaamijkani oo ay wasaaradda iska kaashanayaan shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo magaceeda la yidhaahdo GEOHECRAS  waxa lagu tababarayaa Injineeradda iyo hawlwadeenadda biyaha ee ka Wasaaradda, kuwaasi oo mustaqbalka dhaw ku shaqayn doona.

Shirkadani oo aanu xidhiidh la samaynay waxa ay sheegtay inay gacan ka geysato farsamada nashqadaynta  rayidka (civil engineering) ee habaynta hannaanka casriga ee la yidhaahdo 2D-ga. “Waxaanu bixinaa adeeg nashqadaynta (engineering)ka rayidka  ee fudud (software)” tidhi xidhiidh aanu la samaynay shirkadani. Balse faah-faahin intaasi dhaafsan may bixinin.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud waxa uu shaqaalaha Injineeradda ah ee ka hawlgala Wasaaradda kula dardaarmay inay isku xidhmaan, isla markaana ay samaystaan urur iyo xog isdhaafsi si kor loogu qaado adeegga bulshada la siinayo. Waxaanay isla goobtaasi ku doorteen Injineeraddu gudoomiyaha Injineeradda Wasaaradda ugu doorteen Mr. Cabdale oo noqon doona Gudoomiyaha iyo isku xidhaha hawlaha Injineeradda ee Wasaaradda.

Post Comment