Warbixin Guddida Qaanuunka Qaramada Midoobay ku sheegtay Awoodaha Sharci ee dawladda Somaliland


UNkaWarbixin ka soo baxday Guddida Shuruucda Qaramadda Midoobay ayaa daaha ka fayday awoodaha sharci iyo diblomaasiyadeed ee ay leedahay dawladnimadda Somaliland.

Hase yeeshee, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Xannaanadda Xoolaha ee Somaliland Xasan Maxamed Gagafaadhi ayaa shalay sheegay in uu Markab xoolo ka qaaday dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland uu ku xaniban yahay dekedda Jeddah ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, ka dib markii ay dawladda Somalia cadaadis ku saartay dalkaasi in aanu ruqsad caafimaad ka haysanin wasaaradda federaalka ee dalkaasi.

Laakiin, hadalka Wasiirka Kalluumaysiga iyo Xoolaha ee Somaliland ayaad moodaa in aanu ogaynba awoodaha sharci iyo xidhiidheed ee ay Somaliland leedahay, balse aanay Somalia lahayn, tusaale ahaan wasiirka oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Dawlada Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofo duulaan balaadhan baa la qaaday, wasiirkii wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya wuxuu u dhoofay Sucuudi Carabiya wuxuu culays iyo dagaal weyn saaray in aan markabkaasi la rogin, markabkaasi illaa hada wuxuu taagan yahay jidda, qoladii markabka raratayna waxay aad ula dagaalamayaan in xoolahooga la celiyo, wasiirka ka socda dawlada Muqdisho wuxuu dagaal ugu jira in aan xoolahaasi la dejin.”

Hase yeeshee inkasta oo ay Somalia muddo 28 sannadood ah cunaha kaga duuban tahay Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo markii ay Somaliland ka baxday midnimadii aan sharciga ahayn ee dhexmartay labada dal sannadkii 1960-kii, haddana sida ay warbixintani sheegtay Somalia awood sharci oo ay dunida kula ganacsato ma laha, balse waxay ku tiirsan tahay habab kale oo ay kula macaamisho oo dawladda Talyaanigu wakiil kaga tahay. Halka ay Somaliland-na awood sharci u leedahay inay qayb ka noqoto amaba xubin ka noqoto hay’adda ganacsiga adduunka ee WTO.

Guud ahaan arrimahani waxay qayb ka yihiin wax is-dhaafsiga ganacsiga adduunka iyo xidhiidhka u dhaxeeya bulshooyinka, waxaana saldhig u ah xarunta ganacsiga adduunka ee la yidhaahdo World Trade Organization (WTO oo ka timid asalkeedii hore, heshiiska caalamiga ah ee la yidhaahdo GATT (General Agreement for Trade and Tarrif) oo aanay weligeed Somalia xubin ka noqonin, sida ku qoran warbixinta ay soo saareen Guddida Shuruucda ee Qaramada Midoobay.

Guddida shuruucda ee Qaramada Midoobay waxay qoraalkeeda ku tidhi Page 81-82  prgaraph 358 “Heshiiska Caalamiga ah ee Ganacsiga ee la yidhaahdo  General  Agreement shuruucdiisu waxa keli ah oo ay waafaqaysay r British Somaliland balse weligeed lama waafajinin mana geli karayso Somalia-dii la odhan jirey  Italian Somalia. Tan iyo intii ay xornimadda Qaadatay Somalia waxay ku dhaqmaysay uun habab ganacsi oo kale oo loo sameeyey oo ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah ee GATT oo ay u sameeyeen dalalka ay la ganacsato, manay soo dalbanin (inay isticmaasho magaca Somaliland ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee GATT. Sidaasi si la mid ah Vitnam-na may soo dalbanin, waanu ka dhacay waqtigii ay dalban lahaayeen labadani dhinacba inay xubin ka noqdaan”. Ayay ku yidhaahdeen guddida shuruucda Qaramada Midoobay warbixin ay ka soo saareen Hannaanka sharci ee caalamiga ah ee ay dunidu ku wada ganacsato sannadkii 1968-kii sida ku cad warbixinta guddidaasi ee cinwaankeedu yahay Succession of States with respect to treaties Extract from the Yearbook of the International Law Commission:- 1968, vol. II.

Naafonimada dawladnimo (sovereign paralyze) ee Somalia kuma koobna oo keli ah intaasi, balse sidoo kale may gelin heshiiska kale ee caalamiga ah ee la yidhaahdo  the Geneva Conventions for the Amelioration of the Condition of the Wounded and Sick in Armed Forces in the Field oo la xidiidha qanuunka caalamiga ah ee xilliga dagaaladda, kaasi oo ay Somaliland hore u saxeexday sannadihii ay ku jirtay ilaaladda Ingiriiska, balse markii xornimadda la qaatay Somalia waxa caqabad ku noqotay inay isticmaasho magaca Somailand oo ay qoraal ku gudbiso, sidaasi darteedna waxay hadal ahaan ugu sheegtay dawladda Switzerland oo xarun u ah hay’adda maamulka heshiiskaasi.

Dawladda Switzerland oo ka hadlaysa arrintaasina waxay sheegtay inay Somalia hadal ahaan uu u gashay heshiiskaasi, sida ku qoran page-ka 52-aad ee warbixinta footenote-keeda waxaanay tidhi. tidhi “

 

“Waxa run ah saxeexa heshiiska. Tusaale ahaan, Somalia waxay dawladda Swiss ku ogeysiisay inay gelayso heshiiska  Geneva Conventions for the Amelioration of the Condition of the Wounded and Sick in Armed Forces in the Field ee sanaddihii (Magaca Somaliland lagu galay)  (1864, 1906, 1929 and 1949)”.  Jawaab hadal ah oo ay Somalia u sheegtay  Waaxda Arrimaha Debadda iyo Federaalka Swiss oo magaceeda la yidhaahdo Swiss Federal Political Department,  Somalia waxay ku sheegtay hadalkeeda inay jeceshahay inay qayb ka noqoto dhammaan heshiisyada afarta ah ee la yidhaahdo o the four Geneva Conventions of 1949″ .

Balse waxa keli ooo fariintani u gudbisay Swiss si ay Somalia shuruudaha kale eek u xidhan heshiiskani uga baxsato.

Haddaba macluumaadkani waxa ay muujinayaan sida aanay Somalia awood sharci ugu lahayn inay farageliso ganacsiga iyo xidhiidhka dhexmaraya Somaliland iyo dal kale. Balse caqabadu waxa weeye masuuliyiinta Somaliland oo u haysta inay dawladda Muqdisho carqaladayn karto heshiisyada iyo ganacsiga ay dalalka kale la gelayso.

Post Comment