Halgamaa reer Somaliland oo ah ku Geeriyooday Malaysia


ww.hargeysatoday.com                            07/08/2019

FB_IMG_15044938937382bab142050b84fa1947fc898e0c3045d

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Allaha u  naxariistee waxa dhakhtar ku yaala dalka Malaysia ku geeriyooday Daahir Muxumed Cige oo ahaa halgamaa weyn oo ka soo qayb galay halgankii Somaliland lagaga xoreeyey taliskii Maxamed Siyaad Barre .

Daahir Muxumed Cige oo loo yaqaanay Daahir Yare waxa uu magaca Daahir yare ku qaatay ka dib markii isaga oo ay da’diisu aad u yartahay uu ka mid noqday ururkii ugu horeeyey ee xoreynta SOmaliland ee l odhan jirey Afraad, kaasi oo markii dambe ay ka aasaasantay jabhaddii sNM.

ururka uu Daahir Yare ka midka ahaa waxa hogaamin jirey Allaha u naxariistee Mujaahid Maxamed Cali, waxaana la aasaasay sannadkii 1978-kii, ilaa waqtigaasina Daahir Yare waxa uu ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM, markii dalka la xoreeyeyna waxa ka mid noqday ciidamada kala duwan ee SOmaliland, waxaanu ka soo shaqeeyey inta badan gobolada SOmaliland, isaga oo halgamaaya iyo isaga oo ka tirsan ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Bileyska oo uu hadda ugu dambayntii ka tirsanaa.

Taliyaha Guud Ee Ciidaka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan , ayaa tacsi u direy ehelada iyo qaranka SOmaliland ee uu ka geeriyoodayba, waxaanu Taliyuhu isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Ciidanka,Saraakiisha,Sarakiil xogeenka, Alifleyda Iyo Dablaydaba qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Daahir Muxumad Cige (daahir yare ) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 7/8/2019, Dalka Malaysia ku joogay dhakhtar caafimaad Allah u naxariistee waxa uu allah oofsaday maalmo khayr badan oo carafo inu soo food leedahay .
Taliyuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskisina iyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga samir iyo iiman ka siiyo dhamaantiin ba .

marxuunku waxa uu ahaa taliye ku xigeen ka ciidanka booliska somaliland isla mar kaana waxa uu ahaan jiray halgamagii 1982 oo waxa uu ku jiray jabhadii ugu horaysay ee la odhan jiray Jabhadi 4aad waxa uu hawlgalo la taaban karo ka soo fuliyay wadanka oo dhan taako taako waxa kale oo uu  ahaa masuul qaran oo ka baxay umada somaliland .

Marxuum Daahir Yare waxa uu muddadii halganka lagu jirey hawlgalo badan oo gudaha ka fuliyey gobolada kala duwan ee dalka. “Wuxuu ahaa nin Karmeed, hogaamin iyo geesinimo leh, isla markaana waxaa lagu xasuustaa hawlgaladii gudaha oo uu si fiican uga hawlgeli jirey, waxaana ka miid ahaa hawlgalo lagu soo qabtay dad ay SNM dhaafsatay xubno ururka ka tirsanaa oo nidaamkii SIyaad Barre haystay”. Sidaa waxa yidhi Abiiib Diiriye Nuur oo ka mid ahaa halgamayaashii hogaamin jirey ururkii SNM>

waxa uu ahaa qof ehelo cibaada ah Allaah u naxariisto AAMIIN AAMIIN AAMIIN .

 

 

Post Comment