Qaramadda Midoobay oo Soo saartay Warbixin Guul u ah Masuuliyiinta Wasaaradda Biyaha Somaliland


UNwasarada biyahaBiyahaWarbixin uu soo saaray KHabiirka Madaxa Banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadamaha Somalia Bahame Tom Nyanduga  ayaa shaaca ka qaaday in horumar laga sameeyey adeegga Biyaha ee Somaliland.

Warbixintani oo aad u dheer isla markaana ah 21 bog waxa ay sheegtay in horumar balaadhan laga sameeyey sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa adeeg biyood oo nadiif ah, isla markaana badqaba.

Warbixintani  oo si faahfaahsan loogaga waramay xaaladaha kala duwan ee dhinacyada xuquuqda aadamaha ee Somalia iyo Somaliland, waxa ay si gaar ah u xustay meelaha aan horumarka laga samaynin iyo meelaha laga sameeyey oo ay ku soo dartay adeegga biyaha, waxaana lagu yidhi “Khabiirka Madaxa Banaan waxa loo sheegay in adeegga caafimaadka ee Somaliland uu yahay mid aad u qaali ah, isla markaana aad u yar, balse waxa horumar laga sameeyey helitaanka biyaha iyo badqabkoodaba, hase yeeshee waxa aan meesha laga saari karin in ilgaar ah lagu hayo, sababo la xidhiidha isbedelka cimiladda iyo abaaraha. Waxa kale oo jirta in aanay weli Hargeysa helin biyo ku filan, sababta oo ah magaaladda uu aad u weynaatay una balaadhatay”.

https://reliefweb.int/sites/reliefweb.int/files/resources/A_HRC_42_62_AEV.pdf

 

Hadalkani ka soo baxay Khabiirka Xuquuqda aadamaha u qaabilsan Qaramada Midoobay Somalia, waxa uu guul weyn u yahay Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Somaliland, oo sannadkani ku hawlanaa talaabooyin fara badan oo ay kor ugu qaadayaan adeegga biyaha ee ay dawladdu siiso dadweynaha, gaar ahaana Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo guud ahaanba shaqaalaha Wasaaraddaasi.

Halkani hoose ka akhriso qoraalkaasi oo Ingiriisi ah

he Independent Expert was informed that access to health care in Somaliland was expensive and scarce. While there have been some improvements regarding access to water and sanitation, water scarcity is also a major concern due to climate change and drought. Hargeysa does not have adequate clean water, because of the city’s expansion.

Post Comment