“ Murugadda iyo Naxdintu meel kuma lahayn Nolosha (Daahir Yare)” Halgamaaga iyo qoraagga taariikhyahanka ah ee Boobe


Daahir Yare“ Murugadda iyo Naxdintu meel kuma lahayn Nolosha (Daahir Yare)” Sidaa waxa yidhi, qoraaga iyo taariikhyahanka Mujaahidka ee Boobe Yuusuf Ducaale oo sifaynayay Allaha u naxariistee Daahir Muxumed Cige (Daahir Yare) oo ahaa halgamaa ka tirsanaa ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed, isla markaana ahaa Kornayl ka tirsan ciidanka Bileyska Somaliland oo 7-dii bishani aynu ku jirno ku geeriyooday dalka Malaysia, Maantana lagu aasay, magaalada Gabiley.

Mujaahid Daahir Yare oo ay aaskiisa ka soo qayb galeen boqolaal qof oo iskaga kala yimid gobolada iyo degmooyinka Somaliland, isla markaana salaadii ciidda Adxadda ay dadweynuhu ku tukadeen maydkiisa magaalada Gabiley, waxa uu Mujaahid Boobe ka diyaariyay qoraal kooban oo uu kaga waramayo taariikhda iyo shakhsiyadda Mujaahidka., waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystirani u qornaa sidan. “Muj. Kornayl Daahir Muxumed Cige: Daahir-yare

1959kii – 2019ka

“Geerida horteed haddii aanad, geesiga aqoonsan,

Goblan weeye Soomaalidaay, garashadaadii,”

 

Cali Sugulle Dun-carbeed,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.net,

Hargeysa, 11/8/2019ka,

 

Ku-sinnaan 1959kii ayuu ku dhashay Magaalada Gebilay meel woqooyigeeda ah oo ay beer ku lahaayeen. Qoys beeraley ah ayuu ka dhashay, halkaas ayaanu ku koray oo ku barbaaray. halkaas oo uu ku koray kuna barbaaray. Hooyadii waa ahayd Maryan Cilmi Bahdoon oo loo yaqaannay Maryan-saluug-la’. Daahir markii uu barbaaray wuxu ku biiray Ciidankii Xoogga Dalka oo aanu ku raagin. Jabhaddii Xoreynta Soomaali-galbeed ayuu u digo-rogtay isaga oo ka mid noqdaay Gaaskii Horyaal. 1981kii ayuu u wareegay Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-galbeed, taas oo ahayd unuggii iyo aasaaskii SNM markii ay xadka ka tallowday 5/2/1981kii, sida aan ka soo xigtay Korneyl Cabdillaahi Ibraahin oo berigaa ay ciidankaa ka wada tirsanaayeen. 8/2/1982kii ayaa la furayaa saldhiggii ugu horreeyay ee SNM oo ahaa Durya iyo Guutadii 4aad. Ciidankaas ayuu Daahir oo loo yaqaannay Daahir-yare ka tirsanaa.

Daahir-yare wuxu ka mid ahaa ciidankii lagu ballaysimay Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM 8/2/1982kii. Muj. Cabdillaahi Ibraahin oo ay isku ciidan ahaayeen ayaa ii sheegay in ay xadka ka tallaabeen 5/2/1982kii, saddex maalmoodna ay raadinayeen cid iyaga iyo Itoobiyaanka iskaga dab qaadda. Tan iyo maalintaa iyo sannado ka horreeyay ayuu Daahir-yare qoriga weheshanayay oo uu bogga ku haystay. Miyaanu Axmed Genius maansadiisii Dhayalsi’ ku odhan:

 

“Dhiita-cabka leebkiyo,

Dhunta qorigu way wehel,”

 

Da’aaddaas ayuu Daahir-yare ahaa tan iyo 1979kii qoriga aammintay. Ruug-caddaa halgameed oo laasimay nolosha dagaal iyo iska-caabbinta dullaysiga iyo mididinka. Noloshiisa caadiga ah ayaa dagaal u ahayd, sahan iyo saqaaf u ahayd. Waxaan qof ahaan u bartay 1982kii, tan iyo maalintaana si’ dhow ayaan u aqaannay. Keeni-adayg, hal-adayg iyo geesinnimo la yaab leh ayaan ku aqaannay. Nin farxaan ah oo nolosha la qosla oo aanay murugada iyo naxdintuba naftiisa meel ku lahayn ayuu ahaa. Doobir badnaanta Daahir-yare ayuu u ahaa, dagaalkana hoodo iyo ayaanba wuu ku lahaa. Beryihii danbe kaalin hoggaamineed oo togan ayuu kaga jiray.

Daahir-yare wuxu guursaday 5 haween ah oo midi dhimatay waxaanay u yeesheen 14 iyo toban carruur ah 9oo sidan kala ahaa:

  1. Rooda Muxumed Intitfaa oo 3 gabadh iyo hal wiil keliyaa u dhashay,
  2. Luul Cumar Ceelaabe oo u dhashay 5 gabdhood iyo 5 wiil waxa u nool 4 wiil iyo 4 gabdhood,
  3. Xaliimo Daahir Askar oo u dhashay hal wiil,
  4. Sahra Cabdi Buuni oo gabadh u dhashay,
  5. Ifraax Jibriil Taani oo laba wiil u dhashay, uurna leh

Dhammaan qoyskiisii iyo Mujaahidiinta SNMba waan ka tacsiyadaynayaa geeridaa xaqa ah eek u timid rug-caddaagaa inaga baxay. Naxariistii Janno, innagana Samir iyo iimaan.

Post Comment