Madaxweyne Biixi oo Passportka Somaliland ku xajay


madaxweyne BiixiMadaxweyne Biixi oo Passportka Somaliland ku xajay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka iyaga oo ku sii jeeda dalka Boqortooyadda Sucuudiga oo ay kaga mid noqon doonaan marti Ilaahay ee sannadkani gudanaysa waajibaadka Xajka.

Sida uu xaqiijiyey Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, weftiga madaxweynuhu waxay ku safreen oo Passport-ka Somaliland, taasi oo ka dhigaysa madaxweyne Biixi inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey ee isaga oo xilka haya xajka taga, isla markaana ku safra Passportka Somaliland.

Waxa kale oo uu warku sheegay in Madaxweyne Biixi uu noqon doono martida khaaska ah ee Boqor Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, isla markaana waxa madaarka Hargeysa ka qaaday diyaarad khaas ah oo looga soo direy Sucuudiga.

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal u dhexeeya.

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, waxana sii sagootiyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Post Comment