Dawladda Somalia habkay u xarfadaysay Somaliland ee ay ku qaadatay Mawsinka Xujaajta Soomaalida ee Sanadkan


XajkaDawladda Somalia ayaa hab xeeladaysan u qaadatay maamulka iyo qaybinta Xujaajta sannadkani 2019 u safraya dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka oo ay sannad walba laba milyan oo Muslimiin ahi soo gutaan.

Sida ku cad warqad ka soo baxday wasaaradda Awqaafta Somalia 16/05/2019, mawsinka Xajka  sannadkani ee Soomaalida waxa u tartamay shariikado, xamlooyin, kuwaasi oo ay u kala qaybisay 7 qaybood oo kala duduwan, kuwaasi oo ay siisay magacyada B, T, J, X, Kh, D, S.

Derejooyinkani ay kala siisay Wasaaradda Awqaafta Somalia kuma ay sheegin bayaanka tiradda ay derejo waliba helayso, balse waxa keli ah oo ay sheegtay in ay u tartameen 84 shirkadood, isla markaana ay ku guulaysteen 58 shirkadood.

Shirkadaha ay sheegtay dawladda Somalia inay ku guulaysteen daabulka Xajka SOomaalida ee sannadkani waxa ka mid ah kuwo dharka ka ganacsada, wadaado xidhiidh dhaw la leh dawladda Somalia, gaar ahaana u badan ururka SUcuudigu mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin oo dhulka SOomaalida looga yaqaano Islaax, balse awood badan ku leh dawladda federaalka ah ee Somalia.

Waxa kale oo ay sheegtay Wasaaradda Awqaafta Somalia in daraasad ay ku samaysay xaddiga lacagta ah ee laga qaado Soomaalidu ay aad u badan tahay marka la barbardhigo xadiga laga qaado muwaadiniinta wadamada jaarka ee xajka gudanaya. Waxaanay Wasaaradda Awqaafta Somalia sheegtay in Xajka laga qaado dadka gudanaya 3600$, halka Xajka heerka sare ah (VIP)-da laga qaadi doono 5000$.

Xarfadda ku jirta habka qaybinta waxa weeye in dhamaan shirkadaha ka qayb galay iyo xamlooyinkuba ay yihiin kuwo kia diiwaan gashay magaalada Muqdisho, isla markaana ay intooda badan ay leeyihiin dad hal hayb wadaaga oo ah ta madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegeen in beel  hoosaad ka mid ah beesha madaxtooyadda, gaar ahaana maamulka Puntland ay cabasho ka muujiyeen, waxaanay dalbadeen korodhsiimo, waxaanay wararku sheegeen in loogu daray tiro ka badan 600 oo qof.

Guud ahaanba habka qaybinta waxa laga saaray oo aan lagu darin shirkadaha ka diiwaan gashan Somaliland, inkasta oo tiradda guud ee Xujaajta Soomaalida ah oo dhan 11,500 oo qof la wada siiyay Somalia, balse waxba lagama siinin, taasi bedelkeeda waxa xujaajta Somaliland ka iibinaya fiisayaasha Xajka shirkadaha Somalia ka diiwaan gashan ee dawladda Somalia siisay.

Arrinta kale ee xiisaha lihi, dhammaan shirkadaha la siiyay Xujaajta ma laha diyaarado ay ku qaadaan, balse taasi bedelkeeda waxay la barbaryayaan shirkadaha diyaaradaha ee shisheeyaha ah oo ay intooda badani soo fadhiistaan madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Dhinaca kale bal aynu dul istaagno derejooyinkani loo qaybiyay shirkadaha iyo inta ay shirkad waliba ka helayso. Eeg halkani. B=1000 T= 400 J= 300 X= 250 KH= 200 D = 150 S= 100

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaan weli wax cabasho ah ka gudbinin, arrintani oo la mid ah mawsinka xoolaha ee Xajka oo kale, oo todobaadyadii ina dhaafay muran dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Somalia ay keentay in la xayiro markab xoolo siday, kaasi oo ay markii dambe xukuumadda Somaliland ku guulaysatay in la dejiyo, balse waxay dadku isweydiinayaan sababta ay dawladda Somaliland cabasho uga gudbin weyday qaybinta Xajka iyo Baasaaboorka ay Somalia ka iibiso muwaadiniinta Somaliland ka dib marka ay naftooda halis geliyaan ee ay safar dheer ku tagaan Muqdisho amaba lacag laban lab ah laga qaado.

Balse aynu ka sugno talaabadda ay ka qaado, mawsinka dambe ee Xajka sannadka soo socda haddii alle yidhaahdo.

halkani hoose ka akhriso warqadda iyo shirkadaha loo qaybiyayGuddida Arrimaha xajka 1440-2019-1

Post Comment